venerdì 12 novembre 2010

Dhibaatooyinka Soomaalida Talyaaniga

Waxaan marnaba shaki ku jirin in burburkii Qarankii Soomaaliyeed 1991kii uu dadkeena iyo dalkeenaba u keenay dhibaato lixaad leh, burbur ku yimid dhulkii iyo sharaf-dhac, dulmi iyo ihaano loo gaysto mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool Dunida dacaladeeda ayagoon lahayn cid ka danqata una u dooda xuquuqdooda.

Soomaalida u soo haajirtay dalka Talyaaniga ayaa ka mida dadka ay dhibaatada aadka ahi haysato , darxumo , nolol la'aan iyo ayadoon aysan jirin cid u dhicisa xuquuqda ka maqan, waxaynu oran karnaa waxay soo gali karaan kaalinta saddexaad soomalida qurbaha ku tabaalaysan marka laga reebo K/Afrika iyo Soomaalida Galbeed (ogadenia).

waxaa wax laga xumaado ah lalana yaabo Sida foosha xun oo ay ciidanka nabadgelyada talyaanigu u soo galeen safaarada Soomaalidu ku leedahay Roma - Talyaaniga, ayagoon ixtiraamin Protokoolka Dublamaasinimada , ayagoon soo wergelin Mas'uuliyiinta iyo hawl-wadeenada safaarada, ayagoon tixgelin xuquuqda ay leeyihiin dadka qaxootiga ah, halkaas oo ay ciidanku ka kexeeyeen dhamman dadkii ay hoyga u ahayd safaaarada maadaama soo dhaweyn qaxootiminimo aysan ka helin dalka Talyaaniga ayey safaaradu u ahayd soomaalidu hoy.

Sida ku cad warbixin ay ka soo saareen hawl-galkaas Ciidanka nabad galyadu waxay sheegeen in ay soo raaceen laba nin oo ay ka shakiyeen kana soo cararay meel dad ay ku baarayeen , dabadeedna ay soo galeen safaarada Soomalida taasina ay keentay in hawlgalkan u dhaco,

balse taas ma noqon karto cudur daar ayadoon ognahay in dadkaa qaxoootiga ah aysan marnaba ahayn kuwo nabadgalyada talyaaniga carqalad ku keeni karay

balse dadka qaar ayaa aaminsan in filin si hoose looga qaaday safaarada Soomaalida deedna lagu baahiyey shabakada interntka iyo joornalo kale oo talyaaniya uu yahay filinkaasi mid fadeexad ku ah qaranka talyaaniga isla markaana markhati u ah marti galin la'aanta ay qaxootiga soomaalida talyaaniga, filinkaas ayaad akhristoow ka daawan kartaa meeshan hoose

Cabashada qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka talyaaniga ayaan cidina dheg jalaq u siin